Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta booqasho uga bilaabatay dalka Eritrea.
Farmaajo oo muddo saddex cisho ah dalkaasi joogi doono ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Eritrea Isaisa Afwerki.
Madaxa warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur Maxamed ayaa qoraal ku sheegay in Somalia ay diyaar u tahay inay furto bog cusub oo ku aadan xiriirka ay la leedahay dalka Eritrea.
Cabdinuur ayaa sheegay in Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta ay albaabada u fureyso xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi cusub oo ay yeeshaan labada dal.
Booqashada Farmaajo ee Asmara ayaa timid, kadib markii heshiis taariikhi ah uu dhexmaray dalalka Eritrea iyo Ethiopia, kaasi oo ay ku soo afjareen colaadda gaamurtay ee 20 sano ku dhawaad ka dhaxeysay.
Colaadda ka dhaxeysay Eritrea iyo Ethiopia ayaa saameysay Somalia.
Eritrea ayaa iyagoo ka soo horjeeda faragelintii Ethiopia ee Somalia, waxay taageero siisay maxkamadihii Islaamiga ahaa ee muddada kooban ka talin jiray bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
QM ayaa Eritrea saartay cunaqabteyn kadib markii lagu eedeeyay inay xasilooni-darro ka wado gobolka geeska Africa, eedaasi oo Eritrea ay markasta beenin jirtay.