Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weriye Yoonis Cali Nuur oo geeriyooday


Yoonis Cali Nuur

Allaha u naxariistee Yoonis Cali Nuur oo ka mid ahaa ruugcaddaaga saxaafadda Soomaalida ayaa xalay ku geeriyooday magaalada London ee dalka Britain.

Yoonis Cali wuxuu ka soo shaqeeyay idaacadda Radio Muqdisho, kadibna wuxuu u gudbay idaacadda BBC Somali ee magaalada London, halkaasi oo muddo dheer ka shaqeynayay.

Dhammaan bahda idaacadda VOA Somali, oo uu ugu horreeyo madaxa laanta Cabdiraxmaan Yabarow waxay tacsi u dirayaan dhammaan bahdii iyo ehelladii uu ka geeriyooday Yoonis.

Ibraahim Xasan Daandurey, ayaa taariikhdii Yoonis ka wareystay, madaxa laanta Af-Soomaaliga ee VOA Cabdiraxmaan Yabarow, Maxamuud Sheekh Dalmar iyo Axmed Saciid Cige, oo dhammaantood lasoo wada shaqeeyey.

Weriye Yoonis Cali Nuur oo geeriyooday
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:08 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG