Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Senator Smith: Sharciga TPS Mudada Haloo Kordhiyo


Senator Tina Smith oo aqalka Senate-ka ka mid ah ah kana soo jeeda gobolka Minnesota iyo 21 senator oo kale ayaa maamulka Madaxweyne Trump u diray warqad ay ku codsanayaan inuu mudada u kordhiyo sharcigan TPS oo ah sharci KMG ah oo badbaado u ah qaar ka mid ah Soomaalida qaxootiga ku ah Maraykanka.

Waaxda amniga gudaha Maraykanka ayaa maanta oo Khamiis ah go’aan ka gaadhaysa inay mudada u kordhiso iyo in kale sharciga KMG ee TPS, oo dhacaya bisha September 17-keeda 2018.

Senator Tina oo VOA ay wareysatay ayaa sheegtay in xaaladda amniga ee Somalia ay tahay mid khatar ah oo aan Soomaalida qaxootiga ah lagu celin karin Soomaaliya.

Dhageyso wareysi uu Maxamed Cabdi Xasan la yeeshay Senator Tina Smith, wareysigana waxaa soo jeedinaya Ibrahim Danduray iyo Caasha Cuud.

Dhageyso Wareysiga Senator Tina Smith
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:19 0:00

XS
SM
MD
LG