Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhageyso Galka Baarista: Kulamadii baaqday ee baarlamanka Somalia


Galka Baarista
Galka Baarista

Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya ee lasoo xiray toddobaadkii hore waxa uu ahaa kii ugu kulamada yaraa uguna waxtarka yaraa marka ay noqoto sharciyada la ansixiyey.

Kalfadhigaasi waxa baarlamanaku yeeshay 11 kulan, taasi oo aad uga yar kulamada dhacay kalfadhiyadii hore. Waxa kalfadhigaasi asqeeyey muran siyaasadeed oo u dhexeeyay xildhibaannada baarlamaanka oo qaar ay taageereen dawladda iyo xildhibaanno ku eedaynayey dawladda inay dabada ka riixayso olole meesha looga saarayo guddoomiyihii baarlamaanka ee xilligaas Maxamed Cusmaan Jawaari.

Kalfadhiga oo xirmay 10-kii Juulaay ayaa qaabka lagu soo gabagabeeyey waxay ahayd mid khilaafsan hab maamuuskii xiritaanka kalfadhiyada, waxaana xubnaha qaar ay saadaalinayaan in dib u dhacyo waaweyn ay kusoo fool leeyihiin hawlihii baarlamaanka maadaama shaqadii kalfadhiga saddexaad ay inteeda badan baaqatay.

Waxaa kale oo kalfadhiga baarlamaankan hadheeyey lacago loo qaybiyey xubnaha baarlamaanka kuwaasi oo la siiyey toddobaadkii ugu horreeyey bisha Ramadaan kuwaasi oo ahaa $5,000 xildhibaan kasta.

Lacagahaasi oo xildhibaannadu VOA u sheegeen inay ka timid dhinaca dawladda lama oga inay tahay canshuurta laga qaaday shacabka iyo inay tahay lacag lagu soo qaaday magaca umadda Soomaaliyeed. Dawladda Soomaaliya oo aan ku martiqaadnay barnaamijka Galka Baarista ayaan ka hadlin lacagaha la sheegay inay u qaybisay xubnaha baarlamaanka.

Arrimahan ayaan ku eegeynaa barnaamijka Galka Baarista, waxaa soo jeedinaya Haaruun Macruuf.

Barnaamijka Galka Baarista
please wait

No media source currently available

0:00 0:21:49 0:00

XS
SM
MD
LG