Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Chelsea oo Ceyrisay Conte


Naadiga kubadda cagta ee Chelsea, ayaa shaqadii ka erisay maamulihii kooxdaasi Antonio Conte, kadib laba sano oo uu xilkaasi u hayay Chelsea.

48 sano jirka reer Talyaani, oo ku soo laabtay toddobaadkan tababarka ka horeeya xilli ciyaareedka, ayaa u harsanaa qandaraas hal sano ah.

Conte, ayaa hore u soo leyliyay kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga, halkaas oo uu koobaba dhowr ah kula soo guuleystay.

Waxa uu sidoo kale Chelsea kula guuleystay sanadkiisii ugu horreeyay ee naadiga horyaalka dalka Ingriiska, isagoo sidoo kale bishii May kula guuleystay koobka FA-da, balse waxa ay seegeen kaalmaha hore ee horyaalka sanadkii la soo dhaafay, taas oo keentay inaysan ciyaarin xilli ciyaareedka soo socda koobka horyaallada Yurub ee Champions League qualification.

Maamulihii hore ee Napoli Maurizio Sarri, ayaa la rajeynaayaa in uu baddalo Conte.

‚Äč

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG