Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Croatia oo Semifinal u soo gudubtay


Xulka dalka Croatia ayaa u soo gudbay Semifinalaha koobka kubadda cagta adduunka ee Ruushka ka soconaya, kadib markii ay ka adkaadeen waddankii marti galinayay tartankan.

Ciyaarta ayaa daqiiqadihii loogu tala galay ay ku dhammaatay 1-1, balse 30 daqiiqo oo dheeraad ah oo lagu daray ayay labada dhinac haddana min gool iska dhaliyeen.

Rigoorooyin ayay Croatia kaga soo gudbeen Ruushka, oo 4-3 aheyd.

Croatia oo muddo labaatan sano kadib, semifinalaha timid, ayaa waxay la ciyaari doontaa Isbuuca soo socda xulka dalka Ingriiska, halka Biljamka iyo Faransiiskuna ay sidoo kale ballansan yihiin.

XS
SM
MD
LG