Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Biljamka oo Dirtay Brazil iyo Faransiiska oo Uruguay Macsalaameyay


Xulalka Faransiiska iyo Biljamka, ayaa noqdey labada dal ee ugu horeeyay ee u soo gudba wareegga semifinal-ka ee koobka kubadda cagta adduunka ee ka soconaya Ruushka.

Faransiiska, ayaa laba gool iyo waxba kaga adkaaday xulka dalka Uruguay, kadib ciyaar xiiso badan oo dhex martay labada waddan. Saacado kadib markii ay Faransiisku direen dalka labaad Koonfurta Ameerika ka socodey ee wareegga 8-aad u soo gudbay, ayay xulka Biljamka waxay iyaguna daba raaciyeen xulka dalka Brazil oo ka mid ahaa dalalka loo saadaalinayay koobkan.

Biljamka, ayaa laba gool iyo gool kaga adkaaday xulka Brazil. Waxa Semifinalka isku arki doona labada dal ee soo gudbay ee Biljam iyo Faransiiska 10-ka bishan July.

Sidoo kale, Ruushka Croatia, ayaa dheeli doona, halka Sweden iyo Ingriiskuna ay ballansan yihiin. Labada waddan kuwii soo baxa ayaa wareegga semifinalka sidoo kale ciyaari doona 11-ka bishan July.

XS
SM
MD
LG