Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo dilay nabaddoon 93 jir ahaa


Shabaab
Shabaab

Kooxda Al-Shabab ayaa galinkii dambe ee maanta meel fagaaro ah ku toogtay nabadoon caan ka ah gobalka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan degmada Balcad.

Nabadoon Abshir Nuur Xuseen (Abhir Maliis) oo da’diisa 93 sano ahayd ayaa lagu toogtay deegaanka Gamboole ee isla gobalka Shabeellaha Dhexe.

Al-Shabaab ayaa nabadoonka ku eedeeyay in uu ka mid ahaa ergadii soo xulay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Nabadoonka ayaa gacanta Al-Shabab ku jiray muddo 3 bilood, isagoo degaanka maanta lagu taagay u tagay dacwad ku saabsan arrin xoolo dhaqato iyo beeraley ka dhaxeysay.

XS
SM
MD
LG