Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad laga celiyey Mareykanka oo la geeyey Muqdisho.


Garoonka Muqdisho
Garoonka Muqdisho

Mas'uuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa idaacadda VOA u xaqiijiyey in dad ka badan 80 qof oo laga soo masaafuriyey dalka Maraykanka ay maanta yimaadeen garoonka diyaaradaha eee Aadan Cadde.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdulcasiis Cali Ibraahim Xildhibaan ayaa VOA u sheegay in 83 qof oo laga keenay Maraykanka ay soo gaadheen garoonka maanta kadibna ay xaaladda dadkaasi la wareegtay dawladda Soomaaliya.

Waa markii afraad ee tan iyo intii uu xilka qabtay madaxweynaha Maraykanka dad loo tarxiilo Soomaaliya. Bishii December ee aynu soo dhaafnay ayey ahayd markii dawladda Maraykanku ay ku guuldarraysatay inay Soomaaliya ku celiso in ka badan 90 qof oo Soomaali ahaa kuwaasi oo laga soo celiyey dalka Senegal. Dadka saarnaa diyaaradaasi ayaa ku dacwooday in la xirxiray oo si xun loola dhaqmay.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa mid ka mid ah siyaasadihiisa ka dhigay in dadka aan sharciga lahayn iyo kuwa dambiyada galay laga tarxiilo dalkan. Dhinaca kale Donald Trump waxa uu soo saaray sharci mamnuucaya dadka qaxootiga ah ee ka yimaada ilaa 7 waddan oo ay ku jirto Soomaaliya, isgaoona sheegay inuu tallaabadaais u qaaday sababo dhinaca amnig ah.

XS
SM
MD
LG