Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo beenisay inuu dhintay hogaamiyahooda


Al-Shabab
Al-Shabab

Ururka Al-Shabaab ayaa beeniyey warar laga soo xigtay sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya oo sheegay inuu geeriyooday hoggaamiyihii ururkaasi Axmed Diiriye Abu Cubayda.

Sarkaalka Gaashaanle Sare Ismaaciil Sheekh Isxaaq oo u warramay idaacadda ku hadasha codka milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in Abu Cubayda uu ku dhintay degaanka Jubbada Dhexe.

Hase yeeshee mid ka mid ah shabakadaha internet-ka ee taageera Al-Shabab oo sheegtay inay la xiriirtay sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabab oo ku tilmaamay hadalkaasi mid aan sal iyo raad toona alahayn.

Sarkaalka ayaa ku eedeeyey mas'uuliyiinta dawladda Soomaaliya inay warkan ay ku daboolayaan heshiiskii lala gaaray Itoobiya, sida uu hadalka u dhigay.

Wararka ku saabsan caafimaad darrada Abu Cubayda ayaa beryahan la isla dhexmarayey, balse ilaa haatan warar madaxbannaan lagama hayo dhimashada ama caafimaad darrada la sheegay inay lasoo deristay hoggaamiyaha Al-Shabab.

XS
SM
MD
LG