Sidii aad idaacadeennii saakay ku dhageysateen, urur goboleedka IGAD ayaa shaqada ka eryey kornayl Gabrezabher Alemsged oo Soomaalidu u taqaanno Jeneraal Gabre.
Warqad ka soo baxday xafiiska xoghayaha fulinta ee IGAD, Eng Maxbuub Macallim oo lagu baahiyay warbaahinta Geeska Africa ayaa si rasmi ah shaqada uga joojisey jeneraalkan oo shaqadiisa ay aheyd la-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadda ee xoghayaha fulinta ee urur-goboleedka IGAD.
Generalkan ayaa si weyn Soomaalida dhexdeeda looga yaqaan, isagoo galaangal u lahaa siyaasadda Soomaaliya, una kala dabqaadi jiray hogaamiyeyaasha siyaasadda ee dalka.
Haddaba, shaqo ka erinta sarkaalkan ayey Sahra Cabdi Axmed wax ka weydiisay Prof. Cabdi Ismaciil Samatar.