Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Belgium oo 5-2 uga Badiyay Tunisia


Romelu Lukaku oo u dabaaldagaya goolki labaad ee ay Belgium dhaliyeen, waxaa dhanka midg ka jooga Aden Hazard oo isna laba gool saxiixay.

Xulka Belgium ayaa qarka u saaran inuu u gudbo wareega 16-ka ee Koobka Aduunka 2018, kadib marki ay maanta 5-2 uga badiyeen xulka Tunisia.

Goolasha min laba waxaa u kala qeybsaday Romelu Lukaku iyo Eden Hazard halka goolka shanaadna uu dhamaadki ciyaarta shabaqa Tunis ku hubsaday Michy Batshuayi.

Labada gool ee Tunisia waxaa kala dhaliyay Dylan Bronn iyo Wahbi Khazri oo ah kabtanka xulka qaranka.

Guushan ayaa Belgium-ka u suuragelisay in ay hogaanka u qabato Group G, waxay u gudbi kartaa wareega 16-ka hadii England ay berry ka badiso kooxda qaranka ee Panama.

Dhinaca kalana xulka Mexico ayaa hal lug la gashay wareega 16-ka kadib marki ay galabta 2-1 ugu awood sheegteen South Korea.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Rostov Arena ayaa goolasha waxaa Mexico u kala dhaliyay Carlos Vela iyo Javier Hernandez, goolka calanka waxaa Kuuriya u saxiixay Son Heung-min.

Mexico ayaa xaqiijin doonta wareega 16-ka haddii uu xulka Sweden uu guul ka keeno ciyaar uu hadda la dheelayo Jarmalka. Ciyaartaan ayaa hadda mareysa 0-0.


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG