Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gabdho lagu kufsaday jidka Muqdisho iyo Baydhaba


Todobaadyaddii u dambeeyay waxaa qeyla dhaan ay ka soo yeereysay dadka rakaabka ah ee ku safra wada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Dadkaa ayaa ka cabanayay dhac, kufsi, iyo dil ay mararka qaar rakaabka kula dhaqaaqaan kooxo hubeysan oo jidka u gala.

Xildhibaano ka tirsan baarlamanka federaalka Somalia ayaa horey dhowr jeer uga hadlay amni darida ka taagan jidka.

Maanta ayaa waxaa hadana shir jaraa’id oo ay ku qabteen Baydhabo arrintan kaga hadlay Guddigga Xuquuqul Insaanka ee baarlamanka Koonfur Galbeed, iyagoo sheegay inay diwangeliyeen 19 gabdhood oo rakaab ah oo kufsi loo geystay.

Ibrahim Xassan Dandureey ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Gudoomiye ku Xigeenka Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Qaasim Moogow.

Gabdho lagu kufsaday jidka Muqdisho iyo Baydhaba
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:02 0:00

XS
SM
MD
LG