Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sweden oo guul ka gaartay Korea-da Koonfureed


Sweden
Sweden

Xulka kubadda cagta dalka Sweden ayaa guul ku billowday cayaarahooda koobka adduunka ee ka socda dalka Ruushka.

Sweden ayaa 1-0 kaga adkaatay xulka dalka Korea-da Koonfureed, oo ay ku cayaareen garoonka Nizhny Novgorod, waxaana goolka oo ahaa gool ku laad u dhaliyey Andreas Granqvist, daqiiqaddii 65-aad.

Labada dal ayaa ka wada tirsan group-ka F, oo ay sidoo kale ku jiraan dalalka Germany iyo Mexico.

Mexico iyo Sweden ayaa hadda min saddex dhibcood ku hoggaaminaya group-ka. Mexico waxay shalay 1-0 kaga adkaatay Germany.

XS
SM
MD
LG