Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Croatia oo Garaacdey Nigeria, Peru oo Laga Adkaaday iyo Warar Kale


Xulka dalka Croatia ayaa guul muhim ah ka gaaray groupka D oo la sheego in uu yahay kan ugu adag group-yada koobka kubadda cagta aduunka ee Ruushka ka soconaya. Croatia ayaa 2 gool iyo waxba dirtay xulka dalka Nigeria.

Labada gool ee Nigeria looga badiyay, ayaa waxa mid ka mid ah iska dhaliyay Oghenekaro Etebo daqiiqaddii 32-aad, halka daqiiqaddii 71-aadna uu rigoore ku labeeyay ciyaarta Luka Modric.

Groupkaasi waxa seddex dhibcood ku hoggaaminaya Croatia, halka dalalka Island iyo Argentine oo goor sii horeysay bar-baro galeyna ay mid hal dhibic leeyihiin.

Sidoo kale, xulka dalka Denmark ayaa gool iyo waxba kaga adkaaday xulka dalka Peru. Ciyaaryahan Yussuf Poulsen ayaa Denmark goolka u dhaliyay daqiiqaddii 59-aad. Sidoo kale, Peru ayaa fursad ay hoggaanka ku qaban kartay iska qasaarisey rigoore daqiiqaddi 45-aad, kadib markii ciyaaryahan Christian Cueva uu dibadda marsiiyay gool ku laad uu heley.

Group-kaas C, waxa min 3 dhibcood iska leh Faransiiska iyo Denmark, halka Australia iyo Peru-na aysan wax dhibco ah laheyn.

Maanta waxa dhici doona kulamo ka tirsan group-yada E iyo F. E waxa isku arki doona Costa Rica ​VS Serbia; Brazil VS ​Switzerland. Sidoo kale, Groupka E waxa foodda is dari doona dalalka Mexico iyo dalka difaacanaya koobkan ee Germany.

XS
SM
MD
LG