Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra’isulwasaaraha Itoobiya oo Muqdisho Tagay


Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo iyo Ra'isulwasaare Abiy Ahmed
Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo iyo Ra'isulwasaare Abiy Ahmed

Ra’isulwasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Abiy Ahmed ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aden Abdulle ee magaalada Muqdisho, iyadooo amaanka caasimadda si aada loo adkeeyay.

Waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hadal qoraal ah oo uu madaxweyne Farmaajo ku qoray bartiisa Twitter-ka ayuu ku ku yiri: “Kusoo dhawow Mogadishu mudane, sharaf ayay noo tahay inaan kusoo dhaweyno adiga iyo wafdigaaga. Waxaan ku kalsoonahay in joogistaada halkaan aad si raaxo leh ugu riyaaqi doonto. "

Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa goor dhaw shir jaraa,id ku qabtay Muqdisho, waxyaabihi ay ka hadleen goor dhaw ayaan idiin soo gudbin doonnaa.

Waa Ra’isulwasaarihi saddexaad oo ka socda Itoobiya oo Soomaaliya booqda tan iyo sannadki 2007. Waxaa horay u yimid Xamar Meles Zenawi iyo Heylumariem Disalgne.

XS
SM
MD
LG