Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran oo Garaacdey Morocco


Xulka dalka Iran, ayaa guul dirqi ah oo ka gaarey xulka dalka Marocco, kulan ka tirsan koobka kubadda cagta adduunka ee Ruushka ka soconaya.

Labada kooxood oo kuwada jira Group B, ayaa waxa ay 90-kii daqiiqo ee loogu tala galay ciyaarta isla gaareen goolal la'aan bareejo ah, balse waxa daqiiqadihi ciyaarta ka lumey ee dheeraadka ah oo lagu daray u suura gashay in laad xor ah oo ay soo qaadeen ciyaartoyda kooxda Iran uu iska dhaliyo ciyaar yahan Aziz Bouhaddouz, kaas oo si fudud u daba dhaafiyay gool wadaha kooxdiisa Marocco.

Group-kan ayaa waxa sidoo kale ku jira dalalka Spain iyp Portugal oo iyaguna goor dhow cayaari doona.

XS
SM
MD
LG