Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tababarahii xulka Spain oo la eryey


 Julen Lopetegui
Julen Lopetegui

Xiriirka kubadda cagta Spain, ayaa maanta shaqada ka ceyriyey macallinka xulka qaranka dalkaas Julen Lopetegui, maalin ka hor billowga koobka adduunka.

Julen Lopetegui, oo shalay loo magacaabay tababaraha Real Madrid, ayaa lagu eedeeyey inuu wada-hadal la galay naadiga Bernabeu, isaga oo aan u sheegin xiriirka.

Tallaabadaas ayaa la sheegay inay aad uga carreysiisay xiriirka Spain.

Spain ayaa ka mid ah dalalka aadka loogu saadaalinayo hanashada koobka adduunka, waxaana tani ay qalalaase ku abuuri kartaa habcayaareedka kooxda.

Fernando Hierro, oo ah kabtankii hore ee kooxda Real Madrid ayaa loo magacaabay inuu noqdo macallinka cusub ee xulka Spain.

XS
SM
MD
LG