Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Salah iyo Xulkiisa Masar oo Gaaray Russia


Mohamed Salah iyo hogaamiyaha Chechen Ramazan Kadyrov

Mohamed Salah ayaa shalay kasoo dhexmuuqday tababarki ugu danbeeyay ee ay xulka Masar ku qaateen magaalada Qahira, ka hor inta aysan isla shalayba u duulin magaalada Grozny ee Russia oo xarun u noqon doonto xulka Faraacinada inta ay socodaan ciyaarah aaduunka.

Salah oo ah 25 jir weerarka ka ciyaara, ayaa dhaawac uga maqnaa garoonada tan iyo bishi hore markaas oo uu garabka uga jabay ciyaarti finalka koobka horyaalada Yurub ee dhexmartay Real Madrid iyo Liverpool.

Muddo 45 daqiiqo ah ayuu garoonka ku dhex-lugeynayay shalay, balse ma uusan la qaadan wax tababar ah ciyaartooyda Masar.

Dhamaan ciyaaartooyda Masar oo uu ku jiro Salah iyo macalinkooda Hector Cuper, ayay Axadi diyaarad ka qaadday magaalada Qahira. Kulankooda ugu horreeya Masaarida waxay Jimcaha soo socda la dheeli doonaan xulka Uruguay.

Marki ay tageen magaalada Grozny ee caasimada Jamhuuriyadda Chechen ee hoostimada Russia, waxaa xulka Masar iyo Maxamed Salah soo dhaweeyay hogaamiyaha Chechen Ramzan Kadyrov

Waxaa la saadaalinayaa in Salah uu ka maqnaan doono kulankaasi.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG