Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirkii Amniga Qaranka oo soo gabagaboobay


Madaxda dalka
Madaxda dalka

Magaalada Baydhabo waxaa maalintii shalay ahayd lagu soo gabagabeeyey shirkii Amniga Qaranka ee halkaas uga socday madaxda Dawladda Federaalka Somalia iyo kuwa Maamul goboleedyada.

Qodobadii culeyska lagu saaray ayaa ahaa dhinacyada amniga, doorashooyinka 2020ka iyo qeybsiga kheyraadka. Dhinaca amniga ayaa lagaga hadlay tayeynta ciidanka iyo isku dhafkooda.

Shirkan ayaa yimid xilli weerarada kooxaha mucaaradka ahi ay ku hayaan magaalooyinka qaar ay sii kordheen, khasaare darana ay keeneen.

Maxamed Cabdi Sandhere ayaa haddaba khadka telefonka ee magaalada Baydhabo kula xiriiray Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal, Wasiir Kuxigeenka Macdanka iyo Bartoolka ee D. F. Somalia.

Dhageyso Wareysiga Amniga Qaranka
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:59 0:00

XS
SM
MD
LG