Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-shabaab oo weerar ku qaaday ciidan ka tirsan Puntland.


Qandala/Ciidamada Puntland
Qandala/Ciidamada Puntland

Maleeshiyo ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa habeenimadii xalay weerar ku qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Puntland oo ku yaala deegaanka Bali Khadar oo u dhow buuraha Galgala.

Warar madaxbannaan ayaa sheegaya in maleeshiyada al-Shabaab ay muddo kooban la wareegeen saldhigaasi, halkaasina ay ku dhinteen 4 ka tirsan ciidamada Puntland.

Ururka al-Shabaab ayaa iyagu sheegtay inay dagaalkaasi ku dileen in ku dhow 10 ka tirsan ciidamada Puntland, sheegashadaasi ayaan si madax bannaan ah loo xaqiijin., laakiin wasiir dowlaha madaxtooyada Puntland ahna afhayeenka maamulka C/laahi Maxamed Jaamac (Quraan Jecel) ayaa VOA u sheegay in laba askari oo kaliya dagaalka ay uga dhinteen, 3 kalena ay uga dhaawacmeen.

Quraan jecel ayaa sheegaya in dhinaca maleeshiyada al-Shabaab ay ka dhinteen 10, kadib markii ay la qaraxday miino ay dhulka galiyeen ka hor inta aanay weerarka ku qaadin saldhigga.

C/laahi Maxamed Jaamac (Quraan Jecel) ayaa Somaliland ku eedeeyay inay dagaalka lagu soo qaaday saldhigga Bali Khadar ay ku lug lahaayeen.

VOA-da ayaa la xidhiidhay dhinaca Somaliland si ay uga jawaabaan eedeynta Puntland waxaanay noo sheegeen inay jawaab ka bixin doonaan goor dhaw.

XS
SM
MD
LG