Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galmudug: Khilaaf ka Dhashay Heshiiskii March


Waxaa mar kale soo xoogeystay khilaaf ka dhex oogan madaxda Galmudug oo ku kala aragti duwan hirgelinta heshiiskii bishii March ay gaareen Galmudug iyo Ahlusunna.

Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay Cadaado ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay mid la dhoodhaabay.

Wariyaha VOA gobolka uga soo warama Cabdiwaxid Macalin Isaaq ayaa warbixin ka soo diray.

Dhinaca kale, dowladda Somalia ayaa ka hadashay khilaafka galmudug iyo colaadda ka oogan Tuka Raq ee u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland.

Maxamed Colaad Xassan ayaa arrimahan iyo kuwo kaleba ka wareystay Wasiirka Arrimaha Guddaha ee Dowladda Federalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye.

Dhageyso Khilaafka Galmudug
please wait

No media source currently available

0:00 0:11:29 0:00

XS
SM
MD
LG