Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Korea-da Waqooyi oo ka fiirsanaysa la kulanka Trump


Korea-da Waqooyi ayaa sheegtay inay dib uga fiirsaneyso kulan madaxeed la qorsheeyey inay la yeeshaan madaxweyne Donald Trump, haddii Mareykanka uu sii wado waxa ay ugu yeertay “ficillada xun.”

Pyongyang ayaa ka fal-celineysay hadal kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence oo Isniintii u sheegay taleefishinka Fox News, in Kim Jong Un uu sameynayo qalad weyn, haddii uu isku dayo inuu ka cayaaro Mareykanka, ka hor wada-hadallada.

Pence ayaa sidoo kale sheegay in Korea-da Waqooyi ay ku dambeyn doonto sida Libya oo kale, haddii aysan heshiis qaadan.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Korea-da Waqooyi Choe Son Hiu ayaa hadallada Pence ku sheegay “kuwa aan laga fiirsan, oo xushmad darro ah.”

“Ma qiyaasi karo sida aan ula yaabanahay hadalladan jahlinimada iyo nacasnimada ah ee kasoo burqnaya afka madaxweyne ku xigeenka Mareykanka” ayuu Choe Son Hiu u sheegay wakaaladda wararka Korea-da Waqooyi.

Madaxweyne Trump iyo dhiggiisa Korea-da Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa la qorsheeyey inay 12-ka June ku kulmaan dalka Singapore.

XS
SM
MD
LG