Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhageyso Galka Baarista: Qaladaadkii dhaliyey qaraxii Zoobe oo weli taagan


Galka Baarista
Galka Baarista

Toddoba bilood kadib markii uu dhacay qaraxii ugu dhimashada badnaa Soomaaliya, bishii October 14-keedii sannadkii hore, dawladda Soomaaliya weli ma dhaqangelin talooyinkii guddi khubaro ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay iyo kuwo madaxbannaan ay usoo jeediyeen oo ahaa in magaalada daafaheeda laga dhiso goobo cayiman oo la dhigo qalab lagu baadho baabuurta iyo weliba in la geeyo eyda urisa qaraxyada.

Dawladda Soomaaliya waxay abuurtay baro kontorool oo cusub, waxayna dhigtay ciidamo badan oo hor leh, hase yeeshee baraha kontoroolka ee laga soo gudbo ma yaallaan qalab casri ah oo si fudud ku ogaan kara qaraxyada saaran baabuurta. Taas beddelkeeda ciidamada amnigu waxay ku tiirsan yihiin gacantooda iyo aragtidooda.

Khubarada iyo xubno hore uga tirsanaa Al-Shabaab waxay u sheegeen Galka Baarista in inta badan qaraxyada lagu soo sameeyo dibedda magaalada, ayna keenaan baabuur. Waxaa kale oo ay sheegeen in xilligan ay sahlan tahay in baabuurtu meelo kala duwan kasoo geli karaan magaalada, maadaama ciidamadu aysan haysan qalab si dhib yar u sawiri kara qarxa ama walxaha halista ah ee saaran baabuurta.

Qaraxyada ugu badan ee Muqdisho laga gaysto waxaa ugu badan kuwa ku rakiban baabuurta, haddii ay dawladda Soomaaliyeed doonayso inay ka hor tagaan waa inay helaan qalabkii iyo farsamadii lagu joojin lahaa baabuurtaas, sida ay sheegeen khubarada. Waxaa kale oo Galka Baadhistu ogaaday in ciidamada dawladdu ay weli baabuurta kusii daynayaan dammiin iyagoo og in qaraxii ka dhacay Zoobe uu sabab u ahaa baabuur lagu soo daayey dammiin.

Dhageyso barnaamijka Galka Baarista oo uu soo jeedinayo Haaruun Macruuf.

Barnaamijka Galka Baarista
please wait

No media source currently available

0:00 0:17:52 0:00

XS
SM
MD
LG