Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xulka Spain ee koobka adduunka oo la shaaciyey


Spain
Spain

Tababaraha xulka kubadda cagta Spain Julen Lopetegui ayaa si rasmi ah u shaaciyey xiddigaha uu u xushay inay dalkiisa u matalaan koobka adduunka ee bisha dambe ka furmaya dalka Ruushka.

Liiskan ayaa waxaa iska waayey xididigo badan oo magac leh, sida Alvaro Moratta, Hector Bellerin, Juan Mata iyo Marcos Alonso.

Xiddigaha la magacaabay ayaa kala ah.

Goolhayeyaasha: David de Gea (Manchester United), Pepe Reina (Napoli), Kepa Arrizabalaga (Athletic Bilbao).

Daafacyada: Dani Carvajal (Real Madrid), Alvaro Odriozola (Real Sociedad), Gerard Pique (Barcelona), Sergio Ramos (Real Madrid), Nacho (Real Madrid), Cesar Azpilicueta (Chelsea), Jordi Alba (Barcelona), Nacho Monreal (Arsenal).

Qad-dhexlayaasha: Sergio Busquets (Barcelona), Saul Niguez (Atletico Madrid), Koke (Atletico Madrid), Thiago Alcantara (Barcelona), Andres Iniesta (Barcelona), David Silva (Manchester City).

Weeraryahanada: Isco (Real Madrid), Marco Asensio (Real Madrid), Lucas Vazquez (Real Madrid), Iago Aspas (Celta Vigo), Rodrigo (Valencia), Diego Costa (Atletico Madrid).

XS
SM
MD
LG