Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo ka hadashay khasaaraha roobabka


Muuse Biixi
Muuse Biixi

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in 25 qof ay ku dhinteen, 12 qof ay dhaawacmeen, 27 kalena la’yahay kadib markii roobab duufaanno wata ay ku dhufteen qaar ka mid ah gobollada, gaar ahaan Awdal iyo Salal.

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu sheegay in roobabkan dabaylaha wata ay saameeyeen dad dhan 669 kun oo qof, halka ay galaafteen nolosha 80% xoolihii ku noolaa degaanadaas.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay baaq loo dirayo beesha caalanka iyo qurbajoogta inay gargaaraan dadka dhibaatadu saamaysay.

Warbixintan waxaa Hargaysa nooga soo diray Barkhad Maxamuud Kaariye.

Somaliland oo ka hadashay khasaaraha roobabka
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:59 0:00

XS
SM
MD
LG