Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nainggolan oo laga reebay xulka Belgium


Qad-dhexle Radja Nainggolan ayaa laga reebay xulka kubadda cagta dalka Belgium uga qeyb-galaya koobka adduunka ee bisha dambe ka furmaya dalka Russia.

Xiddigan u cayaara kooxda AS Roma ayaa waxa uu xiriir aan wanaagsaneyn kala dhaxeeya macallinka Belgium, Roberto Martinez.

Martinez ayaa horey laba mar uga tagey Radja Nainggolan, hase yeeshee waxa uu xulka Belgium dib ugu soo laabtay cayaartii saaxiibtinimo ee ay dhowaan la yeesheen xulka Saudi Arabia.

Si kastaba, Nainggolan ayaa ka maqnaa tababarkii ugu dambeeyey ee xulka Belgium, ayada oo aan wax sabab ah la shacain, taasi oo hogaamisay in la isla dhexmaro inuusan ka qeyb gali doonin koobka adduunka.

Xulka Belgium ee la magacaabay ayaa kala ah:

Goolhayeyaasha: Thibaut Courtois, Simon Mignolet, Matz Sels, Koen Casteels

Daafacyada: Toby Alderweireld, Dedryck Boyata, Leander Dendoncker, Laurent Ciman, Christian Kabasele, Vincent Kompany, Jordan Lukaku, Thomas Meunier, Thomas Vermaelen, Jan Vertonghen

Qad-dhexlayaasha: Yannick Carrasco, Kevin De Bruyne, Nacer Chadli, Mousa Dembele, Marouane Fellaini, Eden Hazard, Thorgan Hazard, Adnan Januzaj, Dries Mertens, Youri Tielemans, Axel Witsel

Weerayahanada: Michy Batshuayi, Christian Benteke, Romelu Lukaku

XS
SM
MD
LG