Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Manchester United oo xiiseyneysa saxiixa Willian


Kooxda Manchester United ayaa lagu warramay inay xiiseyneyso saxiixa garablaha kooxda Chelsea, Willian, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

Ilo-wareedyo ku dhow xiddigan ayaa sidoo kale sheegaya inuu doonayo inuu ka tago Chelsea, haddii Antonio Conte uu sii ahaado macallinka kooxdaas.

Willian ayaa waxaa laba sano ay uga hareen qandaraaska uu kula jiro kooxda Chelsea, mana jiraan weli wax yabooh rasmi ah oo kaga yimid Manchester United.

Willian ayaa kursiga keydka looga tagey cayaartii final koobka FA ee kooxda Chelsea ay 1-0 sabtidii kaga adkaatay naadiga Manchester United, taasi oo ahayd markii afaraad ee kursiga keydka la fariisiyo, shantii kulan ee ugu dambeeyey.

Xiriirka Willian iyo macallin Conte ayaa la sheegay inuu aad u xun yahay.

XS
SM
MD
LG