Maanta waa maalintii koowaad ee bisha Ramadan meelo badan oo dunida muslimka ah, xaalka muslimiintuna waa mid aad ku kala duwan, marka la eego dalalka ay ku nool yihiin.
Haddaba, haddii aynu si gaar ah u eegno muslimiinta Maraykanka, waa maxay caqabadaha iyo fursadaha horyaallaa? Sidee ayey is faham ula yeelan karaan bulshada ay ku dhex nool yihiin.
Maxamed Cabdi Sandhere ayaa arrimahaas ka wareystay Sheekh Cabdiraxmaan Shariif, oo Imaamka masjidka Darul Hijra ee gobolka Minnesota.
Sheekh Cabdiraxmaan ayaa marka hore ka hadlaya caqabadah hadda haysta muslimiinta Maraykanka.