Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wenger: Waan u dhowaa saxiixa Ronaldo


Arsène Wenger
Arsène Wenger

Arsene Wenger ayaa sheegay inuu ku guuldarreystay inuu la soo saxiixdo Cristiano Ronaldo markii uu yaraa, sababtoo ah waxay awoodi waayeen inay bixiyaan 12-ka milyan ee gini, oo ay Manchester United kagala soo wareegtay kooxda Sporting CP.

Wenger ayaa sheegay in Ronaldo uu yahay cayaaryahanka uu ugu shalayga badan yahay inuu ka fara baxsaday sanaddii 2003.

“Halkan ayuu yimid isaga iyo hooyadiis, aad ayaan ugu dhoween saxiixiisa” ayuu yiri Wenger.

“Kadib waxaa timid Man United, oo macallimiintooda uu ka mid ahaa Carlos Queiroz, oo Portugal ah. Waxay la cayaareen Sporting, kadibna Ronaldo ayaa wacadarro dhigay, oo way lasoo saxiixdeen.”

Wenger ayaa sheegay inay wada-hadallo kula jireen Ronaldo wakiilkiisa Jorge Mendes, oo ay gaareen qiimo dhan 4.5 milyan oo gini, hase yeeshee Manchester United ay bixisay 12 milyan, sidaasna ay kula wareegtay.

XS
SM
MD
LG