Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Messi oo ka digay in Neymar uu ku biiro Real


Lionel Messi ayaa sheegay inay dhabarjab weyn ku noqon doonto kooxda Barcelona, haddii cayaaryahan Neymar uu ka tago PSG, kuna biiro Real Madrid.

Neymar ayaa xilli cayaareedkii tagey ka tagey kooxda Barcelona, isaga oo 220 milyan oo Euro ugu biiray naadiga PSG, hase yeeshee waxaa xilli cayaareedkiisii ugu horreeyey ee naadiga ka dhisan magaalada Paris hareeyey shaki ku saabsan inuu kooxda sii joogayo.

“Waxay noqon doontaa arrin aad u xun haddii Neymar uu u dhaqaaqo Madrid, sababtoo ah wax kasta oo uu ugu fadhiyo Barcelona.” Ayuu Messi ku yiri wareysi uu siiyey taleefishinka Argentina ee TyC Sports.

“Neymar wuxuu halkan ku qaaday koobab muhiim ah, wuxuu ku guuleystay Champions League iyo La Liga. Waxay noqon dooontaa mid dhabar jab ku ah qof kasta, hadddii uu ku biiro Real Madrid” ayuu sii raaciyey Messi.

Neymar ayaa axaddii sheegay in wararka joogtada ah ee la xiriirinaya Real Madrid ay ka carreysiinayaan, hase yeeshee ma uusan beenin inuu ku biirayo Real Madrid.

XS
SM
MD
LG