Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Everton oo ceyrisay macallin Sam Allardyce


Sam Allardyce
Sam Allardyce

Kooxda kubadda cagta Everton ayaa xaqiijisay in macallin Sam Allardyce uu ka tagey kooxda, sida ugu dhaqsiyaha badan.

Guddoomiyaha kooxda, Farhad Moshiri ayaa saaka aroortii la kulmay Allardyce, un asheegay in waqtigii lixda bilood ahaa ee uu kooxda leylinayey uu dhammaaday.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ay guddiga Everton kulan ka yeesheen arrintan talaadadii.

Allardyce ayaa la rumeysan yahay in la siin doono mushaharka 12-ka bilood ee ka harsan qandaraaskiisa kooxda, oo la rumeysan yahay inuu dhan yahay 6 milyan oo dollar.

Everton ayaa la rumeysan yahay inay dooneyso macallinka reer Portugal ee Marco Silva, oo horraantii xilli cayaareedkan ay shaqada ka ceyrisay kooxda Watford.

XS
SM
MD
LG