Tababaraha kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa difaacay go’aankii uu uga soo tagey Lionel Messi ayada oo guul darro ay kooxdiisa kala kulantay naadiga Levante.
Guuldarradaasi ayaa Barca ay ku weysay inay horyaalka ku dhameysato guul darro la’aan, ayada oo laba kulan oo kaliya ay u harsaneyd, waxaana looga adkaaday 5-4.
“Hadda ka hor waan cayaarnay kulamo badan ayada oo uu naga maqan yahay Messi, waana badinay, marka taas cudur daar maaha” ayuu yiri Valverde oo shir jaraa’id qabtay.
Valverde ayaa Messi uga soo tagey Barcelona, si uu u nasto.
“Dhammaanteen waan ka xunnahay inaan guuldarro la kulannay, hase yeeshee guuldarradu mar kasta ayay nagu dhici kartay” ayuu yiri macallinka Barcelona.