Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Indonesia: Kaniisado la Qarxiyay


Hey'adda Sirdoonka Indonesia ayaa sheegtay in ay ka shakisan tahay in kooxda taabacsan Daacish ee la yiraahdo Jameeca Ansharut Daulah ee loo soo gaabiyo JAD ay mas'uul ka tahay qaraxyo Axaddan maanta ah ka dhacay saddex kaniisadood oo ku yaala magaalada labaad ee ugu weyn dalka.

Wawan Purwanto, oo ah agaasimaha isgaarsiinta hay'adda, ayaa sheegay in JAD uu qaraxyadani qorshaynayey intii muddo ah." Hase yeeshee, ma jirto cid islamarkiiba sheegatay masuuliyadda weerarka.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay, 41 qofna waa ay ku dhaawacmeen qaraxyada ka dhacay magaalada Surabaya ee jasiiradda Java.

Wakaaladda wararka ee REutgers ayaa sheegeysa in boolisku ay kaniisadda la yiraahdo Surabaya ka heleen bam aan wali qarxin.

Warbixinnadii ugu horreeyay ayaa sheegay in kuwa isa soomiidaamiyay ay mas'uul ka ahaayeen qaraxyada, laakiin bilaysku ma xaqiijin in arrintaasi.

XS
SM
MD
LG