Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo eegaya warar la xiriira dilka shacab Soomaali ah


AFRICOM
AFRICOM

Warsaxaafadeed kasoo baxay milatariga Mareykanka ayaa lagu sheegay inay eegayaan warar ku saabsan in dad shacab ah lagu dilay weerar ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya.

Qoraalkan kasoo baxay taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM, ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka qeyb galeen howlgal ay ciidamada Soomaaliya hoggaaminayeen oo lagu kala dhantaalay shabakad Al-Shabaab ah, kaasi oo ka dhacay deegaanka Bulcida ee Soomaaliya, 9-kii May.

“Waxaan ka warhaynaa tuhun ku saabsan in khasaare dad rayid ah uu ka dhashay weerarkaas, waxaana warbixinnadan u qaadaneynaa si dhab ah. Waynu eegi doonaa akhbaaraadka ku saabsan dhacdadan, haddii aan helno in eedeymahan ay yihiin kuwa sax ah, waxaa taliska AFRICOM uu qaadi doonaa tallaabooyinka xiga ee ku habboon” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in wasaaradda gaashanadhigga Mareykanka ay ka go’an tahay inay ka hortagto halista argagixisada dunida, ayna taageeri doonto dalalka gobolka ee arrintana awoodda u leh. Waxaa sidoo kale lagu sheegay in taliska AFRICOM uu ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom kula midoobay ka hortagga argagixisada.

XS
SM
MD
LG