Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa qarka u saaran inay taariikh cusub dhigto, ayada oo guuldarro la’aan ku dhameysaneysa horyaalka La Liga ee dalka Spain.
Naadiga Camp Nou ayaa xalay 5-1 kaga adkaatay kooxda Villareal, waxayna hadda u baahan tahay kaliya inay guuldarro iska ilaaliso labada kulan ee ka harsan horyaalka.
Barcelona ayaa axadda wajihi doonta kooxda Levante oo ay u safri doonto, ayada oo kulanka ugu dambeeya horyaalka la cayaari doonta Real Sociedad, 20-ka May.
Kooxda Real Madrid ayaa ah kooxdii ugu dambysay ee guuldarro la’aan qaada horyaalka Spain, waxayna sidaas sameysay xilli cayaareedkii 1931-32, markaaasi oo kooxaha horyaalka ay ahaayeen 18 koox.