Waxaa soo xoogeysanaya wararka sheegaya in cayaaryahan Neymar uu xilli cayaareedka soo socda ku biiri doono kooxda Real Madrid.
Tifaftirihii hore ee wargeyska Marca, Eduardo Inda ayaa maanta sheegay in heshiiska Neymar uu ugu biirayo Real uu qarka u saaran yaha in la dhameystiro, uuna ku kici doono lacag u dhaxeysa 260 illaa 300 milyan oo Euro.
Sidoo kale wargeyska AS ayaa maanta boggiisa hore ku daabacay warbixin uu cinwaan uga dhigay “Neymar wuxuu wada xaajood kula jiraa Real Madrid”
AS ayaa sidoo kale sheegay in weeraryahankii hore ee kooxda Real Madrid iyo xulka Brazil Ronaldo, uu dhex dhexaadiye ka yahay heshiiska.
Si kastaba, macallinka Real Madrid Zinadine Zidane ayaa ku gacan seeray inuu ka hadlo wararkan, wuxuuna ku adkeystay inuusan dooneyn inuu waqtiga isaga lumiyo wararka la isla dhexmarayo.