Madaxweynaha kooxda Barcelona, Josep Maria Bartomeu ayaa sheegay inuu la kulmay wakiilka cayaaryahan Antoine Griezmann, hase yeeshee uusan dooneyn inuu sii huriyo wararka kooxdiisa la xiriirinaya laacibka reer France.
Bishii Janaayo, kooxda Barca ayaa si xooggan u beenisay inay heshiis hoose la gashay Griezmann, si uu xagaaga ugu soo biiro.
Tani waxay ka dambeysay markii bishii December kooxda Atletico, oo uu Griezmann u cayaaro ay barca ku dacweysay xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA, ayada oo ku eedeysay inay si sharci darro ah ula xiriirtay xiddigooda.
“Waxay ahayd bishii October, wuxuu ahaa kulan kaliya, mana dhicin wax kale” ayuu yiri Bartomeu.
Josep Maria Bartomeu waxa uu sidoo kale sheegay inuu Griezmann ku arkay meel dalxiis ah, hase yeeshee uusan la kulmin.