Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Koscielny oo 6 bil garoomada ka maqnaanaya


Laurent Koscielny
Laurent Koscielny

Kabtanka kooxda Arsenal Laurent Koscielny ayaa garoomada ka maqnaan doona illaa bisha December ee sanadkan, kadib markii loo sheegay inuu u baahan yahay qalliin looga sameeyo ciribta.

Koscielny ayaa ku dhaawacmay cayaartii afar dhammaadka koobka Europa League ee kooxda Arsenal ay khamiistii tagtay la yeelatay naadiga Atletico Madrid.

Tababareaha kooxda Arsenal, Arsene Wenger ayaa sheegay in Laurent Koscielny uu aad u niyad jabay sababtuna ay tahay inuu marayo qalliin.

“Tani macnaheedu waa inuu ugu yaraan 6 bilood garoomada ka maqnaan doono. Kuma arki doontid garoomada ka hor dhammaadka bisha December, ama bilowga bishaas markay ugu wanaagsan tahay” ayuu yiri Wenger.

Laurent Koscielny ayaa seegi doona koobka adduunka ee bisha June ka dhacay dalka Ruushka, oo dalkiisa France uu ka qeyb gali doono.

XS
SM
MD
LG