Kabtanka kooxda Lyon Nabil Fekir ayaa ku adkeystay inaysan waxba ka jirin warraka sheegaya inuu 70 milyan oo Euro ugu biirayo kooxda Liverpool.
Taleefishinka Canal+ ayaa axaddi ku waramay in heshiis ku kacaya 70 milyan oo Euro ay isku racaeen Liverpool iyo Lyon, si laacibka reer France uu ugu biiro garoonka Anfield, ayada oo heshiiskana uu fududeeyey macallinkii hore ee Liverpool Gerard Houlier, oo hadda lataliye u ah madaxweynaha Lyon, Jean-Michael Aulas.
Sidoo kale wargeyska L’Equipe ayaa axaddii qoray in Fekir uu heshiis afka ah ka haysto Lyon inuu ka tagi karo kooxda xagaagan, inkasta oo qandaraaskiisa uu ka harsan yahay laba sano.
“Iminka wax jira ma lahan. Weli waxaan joogaa Lyon” ayuu yiri Fekir mar wax laga weydiiyey mustaqbalkiisa kadib cayaartii ay 3-0 kaga adkaadeen kooxda Troyes, axaddii.
Chelsea ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay aad u dooneyso laacibkan oo xilli cayaareedkan 17 gool ka dhaliyey horyaalka Ligue 1.