Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Naciima Qorane oo xabsiga laga sii daayey


Naciima Qorane
Naciima Qorane

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta cafis u fidiyey Naciima Axmed Ibraahim, oo loo yaqaan Naciima Abwaan Qorane, oo Hargeysa ku xirneyd muddo ka badan saddex bilood.

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa Naciima Abwaan Qorane, ayaa isla maantaba xabsiga laga sii daayey.

Naciimo Abwaan Qorane ayaa 15-kii April ay maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa waxay ku xukuntay 3 sano oo xadhig ah, kadib markii maxkamaddu ay sheegtay in lagu helay danbi ah hadallo cay ah oo ka dhan ah Somaliland.

Naciima ayaa xabsiga la dhigay dhammaadkii bishii Janaayo iyadoo markaasi laga qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa.

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa xaaladdeeda iyo soo-daynteedaba ka waraystay Abwaan Axmed Ibraahim (Qorane) oo ah aabbaha dhalay Niciima. Waxaanu ugu horreyn waydiiyey sida uu u arko.

Wareysi: Abwaan Ibraahim Axmed Qorane
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:36 0:00

XS
SM
MD
LG