Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Alex Ferguson oo Qalliin Maskaxda Looga Sameeyay


Alex Ferguson
Alex Ferguson

Tababarihii hore ee kooxda Manchester United Alex Ferguson, ayaa kasoo kabanaya qalliin maskaxda loogaga sameeyay, kadib marki uu dhiig kaga furmay maskaxda Sabtidi shalay.

Bayaan kasoo baxay qoyska Ferguson ayaa lagu sheegay in qaliinka uu guul ku dhamaaday, balse uu Ferguson u baahanyahay waqti uu uga baxnaanto qaliinka.

Qaar ka mid ah ciyaartooydi uu soo tababaray Ferguson oo ay ku jiraan David Beckham iyo Cristiano Ronaldo ayaa ka mid ah xidigaha caanka ah ee ducada usoo diray Alex Ferguson, tababaha ugu guulaha badan kubadda cakta Ingiriiska.

Kooxo caan ah oo ay ku jiraan Barcelona, AC Milan, Inter Milan, Liverpool iyo Celtic ayaa qoraalo ay ku taageerayaan Ferguson u diray qoyskiisa.

Macalin Ferguson oo ah 76-jir ayaa leylinayay Manchester United inti u dhaxeysay 1986 ilaa 2013. Wuxuu u qaaday 13 koob oo horyaalka Ingiriiska ah, Laba koob oo ah kan horyaalada Yurub iyo 5 FA Cup.

XS
SM
MD
LG