Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Buvac oo lala xiriirinayo kooxda Aresenal


Buvac
Buvac

Tababare ku xigeenka kooxda Liverpool, Zeljko Buvac ayaa lala xiriirinayaa inuu noqon karo macallinka cusub ee kooxda Arsenal.

Madaxa soo iibinta cayaartoyda ee Arsenal Sven Mislintat ayaa rumeysan in Buvac uu beddel wanaagsan u noqon karo Wenger, oo shaqada ka tagaya dhammaadka xilli cayaareedkan.

Mislintat oo ay Buvac wada joogi jireen kooxda Borussia Dortmund ayaa u ololeynaya magacaabistiisa, isaga oo rumeysan inuu beddel wanaagsan oo waqti fog noqon karo.

Warbixin uu qoray wargeyska Pravda BL ee dalka Bosnia, oo Buvac oo u dhashay, ayaa sidoo kale lagu sheegay in uu noqon doono macallinka cusub ee garoonka Emirates.

Si kastaba, Liverpool ayaa ku adkeysatay in maqnaanshaha Buvac oo kooxda fasax ka qaatay ay la xiriirto arrimo shaqsi, islamarkaana uu dib ugu soo laaban doono.

XS
SM
MD
LG