Isku xirrada

War Deg-Deg ah

"Somalia waa inay isbeddel ku sameysaa ciidamadeeda"


Ciidmada
Ciidmada

Soomaaliya waa inay dedejisaa isbeddalada ay ku sameyneyso ciidamadeeda, waxaa sidaas maanta yiri dalalka deeq bixiyayaasha kadib wada-hadal ay ka yeesheen horumarka gaaban ee laga sameynayo in ciidamada laga dhigo kuwo awood u leh inay la dagaalamaan kooxda Al-Shabaab.

Sida ay qortay wakaaladda wararka Reuters, Hadalkan kasoo baxay shir madaxeedka Brussels ayaa ku boorinaya dowladda Soomaaliya inay si deg deg ah uga shaqeyso wax ka qabashada arrimaha lagu cayimay warbixintii sanadkii tagey ay soo saareen dowladda, QM iyo Midowga Afrika.

Warbixintaas ayaa ciidamada xoogga Soomaaliyeed ku sheegtay “kuwa jilicsan oo leh talis iyo maamul tabar darran”, waxaana ay timid ayada oo ciidamada Amisom ay isku diyaarinayaan inay Soomaaliya ka baxaan sanadda 2020, amniga dalkana ku wareejiyaan kuwa Soomaalida.

Ciidamada Afrikan ah ayaa la billaabay in la dhimo sanaddii tagtay, waana kuwa inta badan la dagaalama maleeshiyada Al-Shabaab ee weerarada ku haya Muqdisho iyo magaalooyinka kale.

Kuwa taxliiliya arrimaha amniga ayaa ka digaya in ciidamo xoogga oo Soomaali ah la’aantood ay Shabaab dib usoo noolaan karaan.

Deeq bixiyayaasha ayaa sheegay in loo baahan yahay in ciidamada Soomaalida lagu diiwaan geliyo habka faraha la iska qaado, loona sameeyo mushaar bixin ku dhisan habka elektorooniga.

“Ciidamada Soomaaliya waa inay waqti kooban ku sameeyaan horumar weyn, sababtoo ah waxay dib uga sii dhacayaan, oo ay uga sii dhacayaan waqtigii loo gooyey sanadidi tagtey inay guul ku muujiyaan” waxaa sidaas yiri Joshua Meserev oo ka tirsan machadka daraasaadka Heritage Foundation ee Washington.

Hay’adda lacaga adduunka ee IMF ayaa ka shaqeyneysay in la sameeyo hab maamul wanaagsan oo maaliyaded, waxayna qirtay in dowladda Soomaaliya ay sameyneyso isbeddelo la isku raacay oo dusha lagala socdo.

Dowladda Soomaaliya ayaa billowday hal account oo lacagta dadweynaha ah, si looga hortago xatooyada, waxayna canshuurta iibka kusoo rogtay dekedda Muqdisho iyo shirkadaha isgaarsiinta, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh.

Daqliga dowladda ayaa afar laabmay, tan iyo sanaddii 2012.

Dowladda ayaa dhowaan geli doonta barnamaij IMF ah oo socon doona 12 bilood, kaasi oo ay rajeyneyso inuu noqdo kii ugu dambeeyey, dhabbahana u xaari doona in dib loo qaabeeyo deymaha shanta bilyan ee dollar ah ee lagu leeyahay Soomaaliya.

“Diyaar ayaan u nahay in kormeer na lagu smaeeyo, IMF waxaan u furnay xisaabaadkeena” ayuu yiri Beyleh oo intaas ku daray “Waxaan sameyneynaa waxa loo baahan yahay inaan sameyno.

IMF ayaa sanadkan Soomaaliya u yaaboohi karta lacagtii ugu horreysay muddo 25 sano ah, taasi oo dowladda ay kaga kaaftoomi karto lacagaha kaga yimaada dalalka kale ee shuruudaha siyaasadeed wata.

XS
SM
MD
LG