Isku xirrada

War Deg-Deg ah

 Soomaaliya oo kaalinta 2-aad Tartanka CECAFA


Somalia U-17 Football Team
Somalia U-17 Football Team

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da,doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa ku guuldarreystay inuu qaado koobka ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Africa ee loo soo gaabiyo CECAFA, kadib marki ciyaarti kama danbeysta aheyd ay 2-0 ku khasaareen dhigooda Tanzania.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Gitega ee dalka Burundi ayay ciyaartooyda Tanzania goolasha kala dhaliyeen labada gelin ee ciyaarta.Dhalinyarada Soomaalida ay keenay laba gool hase yeeshee garsoorihi ciyaarta dhex dhexaadinayay ayaa ogolaan waayay sababo la xiriira qaar ka mid ah ah ciyaartooyda oo ku jiray offside.

Qeybtyi hore ee ciyaarta ayaa waxaa carqaladeeyay roob xoog leh oo sababay in ciyaarta la hakiyo marki ay mareysay daqiiqadi 10-aad. Qaddar daqiiqado ah kadib ayay ciyaartu halkeedii kasii socotay.

Dadki daawanayay ayaa waxaa ka mid ahaa, Gudoomiyaha xiriirka kubadda cakta Africa, Ahmed Ahmed, Ra’isulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed, Gudoomiyihi hore ee Gobolka Banadir Taabit Cabdi Maxamed, Guudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cakta iyo taageerayaal Soomaaliyeed.

Waxay aheyd marki ugu horreysay oo uu xul Soomaaliyeed oo dhinaca kubadda cakta ah gaaro finalka ciyaar ka tirsan tartannada kubadda cakta Qaarada Africa.

Xulka Soomaaliya ayaa tartankani intii uu socday waxaa ay kasoo badiyeen dalalka Ethiopia, Kenya iyo Uganda halka ay bar barro la galeen xulka Burundi.

XS
SM
MD
LG