Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saraakiil ku Dhimatay Qaraxa Gaalkacyo


Sawir hore
Sawir hore

Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhintay 6 qof oo ay ku jiraan 3 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya.

Labada sarkaal ee qaraxa ku dhintay waxaa ku jiray Cabdi Xukun Cabdullaahi Maxamuud oo ahaa taliyihii ciidamada isku dhafka ee gobolka Mudug.

Qaraxan oo uu fuliyay qof is miidaayay ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ugu yaraan 6 qof oo kale.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa.


Magaalada Gaalkacyo ee kala qeybsan waxaa ka howlgalla ciidamo isku-dhaf ah oo maamullada Puntland iyo Galmudug ka tirsan kuwaasi oo roondeyn ku sameeya magaalada.

XS
SM
MD
LG