Isku xirrada

War Deg-Deg ah

NRC: Fatahaadaha Soomaaliya Waxay Saameeyeen 427,000 oo Qof


Fatahad
Fatahad

Daadad xoog leh ayaa ka dhashay roobab culus oo maalmihii la soo dhaafay ka da’ayay degaanno badan oo ka mid ah Soomaaliya. Roobabkan ayaa saameeyay in ka badan 427,000 oo dad ah oo ku sugan gudaha Soomaaliya inta lagu guda jiro bisha April, sida ay sheegeen hay'ado gar gaar.

Hay’adda Norwegian Refugee Council (NRC) ayaa sheegtay in shaqaalaheeda ku sugan gudaha Soomaaliya ay arkeen dad waayeel ah, haween, iyo carruur oo ay dhibaato ku haysato hoyga ay ku nool yihiin oo ku dhex jira biyo jilbaha u jooga. NRC ayaa intaa ku dartay inay arrintu intaas ka sii xumaan karto.

Hay’adda NRC ayaa sheegtay in dad badan oo aan tiradooda la qiyaasi karin ay ku hoydaan goobo aad ugu nugul daadadka ka dhasaha roobabka.

Agaasimaha hay’adda NRC ee Soomaaliya, Victor Moses, ayaa digniin ku bixiyay in helista musqulo hagaagsan iyo biyo nadiif ah oo kooban dartood ay dhici karto in ay dillaacaan xanuuno ay ka mid yihiin daacuun iyo duumo.

Magaalada Baydhabo oo kali ah ayay hay’addu sheegtay in qiyaastii 174,000 oo qof ay saameeyeen daadad. In ka badan kala bar guryaha ay hadda dadku daggan yihiin ayaa u adkeysan kara roobabka culus, oo qaar badan oo mid ah guryaha magaalada ay mar hore roobabku qaadeen.

Dhinaca kalana, war saxaafadeed ka soo baxay maamulka Hir-Shabeelle, ayaa lagu sheegay in roobab xoog leh oo dhowrkii maalmood ka da’ayay degaannada maamulkaasi ay ka dhasheen daadad xoog leh, oo biyaha wabiyga magaalada Beledweyne ay sare u kaceen siddeed mitir, kan Jowharna, shan mitir.

Daadadkaasi ayuu maamulku sheegay inay dad badan ku baraceen, kuwaasoo hadda la daalaa dhacaya nolol maalmeedkooda.

Warsaxaafadeedka ayaa lagaga codsaday deeq bixiyaasha caalamka iyo iyo hay’adaha aan dowliga ahayn inay gacan ka geystaan sidii wax looga qaban lahaa xaalada bini’adminimo ee taagan.

Halkan hoose ka dhageyso Maamulka Hir-Shabeelle oo war ka soo saaray fatahaadaha.

Hir-Shabeelle oo war ka soo saartay Fatahaadda
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:26 0:00

XS
SM
MD
LG