Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mourinho: Go'aankaygu ma ahayn in la iibiyo Salah


Tababare Jose Mourinho ayaa sheegay inuusan ahayn go’aankiisa in la iibiyo weeraryahan Mohamed Salah, markii uu ahaa macallinka kooxda Chelsea.

Salah oo 25 jir ah ayaa ka tagey garoonka Stamford Bridge kuna biiray kooxda Rome sanadii 2016, waxaana uu dhaliyey 43 gool tan iyo markii uu kusoo biiray kooxda Liverpool xagaagii tagey.

Mouirnho oo hadda ah macallinka kooxda Manchester United ayaa sheegay in Chelsea ay go’aansatay inay iibiso Salah, si ay lacag ugu hesho saxiixyo kale.

“Dadku waxay yiraahdaan inaan anigu iibiiyey Salah, laakiin xaqiiqda waa taas beddelkeed” ayuu yiri Mourinho.

“Waxaan ahaa kan soo iibiyey Salah, waxaan ahaa midka u sheegay Chelsea inay soo iibiyaan Salah”

“Markii ay ku adkaatay Salah inuu la qabsado Chelsea, waxaan u diray ammaah, balse go’aankeegu ma ahayn in la iibiyo, go’aankaas waxaa lahaa kooxda Chelsea” ayuu yiri Mourinho.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG