Kadib markii ay soo geba gaboobeen yoolalka horumarinta qarniga ama Millennium development goals oo soo socday muddo shan iyo toban sano ah, ayay dunidu isla garatay in dib loo bilaabo yoolalka horumarka waara ama Sustainable development goals.
Yoolkaasi ayaa ujeedkiisu waxa uu yahay in la dhowro dadka iyo deegaankaba gaar ahaan yaraynta saboolnimada, gaajada, helitaanka waxbarasho tayo leh iyo waliba qodobo kale oo nolosha muhiim u ah.
Fatxi Baashe Cabdi, waa wiil dhalinyaro ah oo sanadihii u danbeeyba waday olole uu qodobadaasi ugu sharaxayo dhalin yarada wax ka barta dugsiyada sare. Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayuu u waramay.