Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Biriq Dad ku Dishay Caabud-waaq


Warar naga soo gaaraya bartahama Soomaaliya ayaa sheegaya in roobabka Gu’aga ee ka daya qaybo kamid ah gobollada dalka ayaa sababeen dhimashada laba ruuux kadib markii ay ku dhacday biriq xilli ay kusugnaayeen hoygooda, sida ay VOA usheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Zubayr Cabdi Cabdulle oo sheegay inuu yahay aabaha dhalay gabadha ayaa VOA u sheegay in dadka dhintay ay ahaayeen qoys aroos ah oo dagaanaa deegaanka Ari Caddays oo 30km dhanka koonfur galbeed ka xiga degmada Cabuudwaaq ee gobalka Galgaduud

Roobabaka oo mahiigaan ah ayaa muddooyinkaan ka da’ayay gobollada dhexe waxaana meelaha qaar laga helayaa warar sheegay in biriq dhacday ay sababtay dhimashada xoolo farabadan.

Dhanka kale, wararka ka imaanaya degmada Cabuudwaaq ayaa sheegaya in hal ruux uu dhintay kadib markii ay qabatay koranto, waxaana maamulka degmada oo VOA ay lahadashay ay sheegeen in ay wadaan dadaal looga hortagayo sidii loo yarayn lahaa qasaaraha ka dhalan kara biyaha roobka

XS
SM
MD
LG